Thursday, October 7, 2010

Suugaanta soomaalida

Soomaalida waxyaabaha ay ku caanka tahay waxaa ka mid ah suugaanta. Ruuxa jecel suugaanta wuxuu jeclaadaa hodantinimada afka ruuxii afka soomaaliga jeclaadana wuxuu aad uga helaa suugaantiisa hodanka ah. Richard Burton markuu tegey dhulka soomaaliyeed sannadkii 1857kii wuxuu ugu magac daray dhulkii suugaanta oo dadka qaar ay yiraahdaan dhulkii gabayga, wuxuu yiri “ ruux walboo soomaali ah rag iyo dumarba waxaa u fudud in ay maanso tiriyaan”.

Waxaan halkan ku soo gudbinayaa gabay dhulka soomaaliyeed ku caan ah ee uu tiriyey Raage Ugaas. Gabaygaas waxaa la yiraahdaa Alleyl dumay, isagoo soomaali ah iyo isagoo lagu tarjumay ingriisi iyo talyaani waakan:

Raage Ugaas Alleyl Dumay

Alleyl dumay albaabbadoo xiran, uunku wada seexday

Onkod yeedhay uugaamo roob, alif banaadiiq ah

Iihdayda bixi baa libaax, iman la moodaaye

Raggase adhaxdiyo ooftu waa, udub dhexaadkiiye

Labadii wax laga eegi jirey, waan ka awdnahaye

Halkaan aa ka leeyahay Ilaah, keliya uun baa og

Aboodigu ma lalo garab hadduu, iin ku leeyahaye

Orod uma hollado oglihii, adhaxda beelaaye

Ma aarsado il iyo oof ninkii, iimi kaga taale

Aroos uma galbado nimuu, wadnaha arami jiifaaye

Geeluba kolkuu oomo waa, olol badnaadaaye

Sidii inan yar oo hooyadeed, aakhiro u hoyatay

Oo aabbeheed aqal mid kale, meel illin ah seexshey

Hadba waxaan la urugoonayaa, uur-ku-taallada e

Ninkii ooridiisii rag kale, loo igdhaan ahaye

Ninka ilo biyo leh soo arkoo, oomman baan ahaye

Nin ugaas walaalkiis yahoo, eeday baan ahaye

Af-dhabaandhow aayar ninkaa, aammusaan ahaye

Raage Ugaas Night Has Fallen translated by Martin Orwin

Night had fallen and behind closed doors everyone was sleeping

Thunder called out with a clamour of rain like shots from a thousand rifles

So was my wailing heard that they thought it a lion approaching

For men the spine and ribsides are the body's central support

I am shut away now from the eyes through which I used to see

Only God knows the source of my lamentations

The vulture with an injury to his shoulder cannot fly

The horse who has lost his spine cannot gallop

The man injured in eye and ribs cannot seek revenge

A man whose heart aches cannot take a bride home

When the camels are thirsty their outcries increase

Like a small girl whose mother now lives in the hereafter

Whose father has brought another woman to sleep in the aqal

I grieve constantly from the sorrow deep in my belly

I'm the man whose fiancée has been given to another

I'm the man who sees springs but whose thirst remains unquenched

I'm the man whose brother is clan leader and yet is accused

I am that silent man who sits, slowly patting his mouth again and again

Raage Ugaas Quando cala la note.

Quando cala la note, tutte le creature dormono a porte chiuse

Quando il tuono rimbomba come una tempest di mille fucili

I lamenti che ho in gola sembrano un leone che si avvicine

Il sostegno dell’uomo sono la schiena e i fianchi

I due occhi con cui vedevo mi sono stati chiusi

Solo Iddio conosce il luogo in cui gemo

Il grifone non vola se ha una ferita sull’ala

Non cerca di correre il cavallo che abbia la schiena spezzata

Non cerca vendetta un uomo ferito agli occhi e al fianco

Non prende moglie un uomo con una piaga nel cuore

Anche il cammello si lamenta molto quando ha sete

Come una bimba la cui madre sia morta

E il cui padre la faccia dormire sulla soglia della casa di un’altra donna

Sono sempre affitto da una grande tristezza

Sono l’uomo la cui donna e’ stata data a un altro con un inganno

Sono un uomo arso dalla sete che abbia intravisto delle sorgenti ricche d’acqua

Sono un uomo che ha per fratello un re, e che pure ha subito una ingiustizia

Sono un uomo che deve tacere perche’ e’ stato garbatamente zittito.

Cabdiraxmaan M. Abtidoon

Wednesday, September 15, 2010

DUNIDU WAA TUULO

Maahmaahdu waa qeyb ka mid ah ummadaha aduunka waxa ay hadallada ku xoojiyaan, waxaana jirta in maahmaahyada ay adeegsadaan ummadaha dunidu meelo badan isaga mid yihiin ama macno ahaan ay is leeyihiin. Waxaan halkan ku soo ururiyey maahmaahyo soomaaliyeed iyo kuwa talyaani ah oo aan is iri weysu macna dhow yihiin ee bal ila eega.

1

Ninkii tiisa daryeelaa tu kalena ku dara

Chi fa per se’ fa per tre

2

Gacmo wada jirbey wax ku gooyaan

La unione fa la forza

3

Nin kuu digey kuma dilin

Uomo avvisato mezzo salvato

4

Raadiyaa wuu gaaraa

Chi cerca trova

5

Shimbirba shimbirkiisuu la duulaa

Dimmi con chi vai, ti diro’ chi sei

6

Ratiga dambe ratiga hore saanqaadkiisuu leeyahay

Chi va con zoppo impara a zombicare

7

Qunyar socod qodaxi ma muddo

Chi va piano va lontano

8

Nin daad qaaday xumba cuskay

Rampicarsi sul vetro

9

Doqonta usha akteeda ku dhufo hadday garan weysana dusheeda ku dhufo

Prima si perdona poi si bastona

10

Madaxmuuqda iyo middi saawira midna lagama quusto

La speranza e’ l’ultimo a morire

11

Ragna waa tashadaa Rabbina waa taliyaa

L’uomo propone Dio dispone

12

Nin soori kaa qaaday waa nin seefi kaa qaaday

Ne uccide piu’ la gola che la spada

13

Run iyo ilkaba waa la cadeeyaa

Patti chiaro amicizia lunga

14

Wixii waayeelka ku hadlaa caruurtu ku hadaaqdaa

Quando il piccolo parla, il grande ha sparlato

15

Far keligeed fool ma dhaqdo

Una mano lava l’altro e tutte due lavano il viso

16

Dhabar muuqda dhuumasho maaha

Nascondarsi dietro un ditto

17

Nin seexday sicii dibi dhal

Chi dorme non piglia pesce

18

Ilko maroodi iyagaa leysku jebiyaa

Chiode schiaccia chiode

19

Dabkii lagu gubto dambaskiisaa laga cararaa

Chi si scotta con l’acqua calda ha paura anche dall’acqua fredda

20

Qaade iyo qariye waa isku mid

E’ ladro chi ruba e chi li tiene il sacco

21

Nin hurdaa la kiciyaa ee nin soojeeda lama kiciyo

Il peggior sordo e’ chi non vuole sentire

22

Af daboolan waa dahab

Il silenzio e’ d’oro

23

Deg degi door ma dhasho

La fretta e’ cattiva consigliera

24

Mukulaal minankeeda joogta miciyo libaax ayey leedahay

A casa sua ogni uno e’ re

25

Fuley ulo badan

A chi ha paura non basta l’armatura

26

Waxaa jira nin aad maalin gaarin, nin aadan sannad gaarin iyo nin aadan weligaa gaarin…

A far la barba si sta bene un giorno, ad ammazzare un maiale si sta bene un mese a prendere una moglie un anno

27

Irbad aruuray masaarey

A goccia a goccia si fa il mare

28

Gees lo’aad kuleylkaa lagu gooyaa

Batti il ferro finche’ e’ caldo

29

Geed dhacaankiisuu dhalaa

Dal frutto si riconosce l’albero

30

Waraabaha ciyaaya iyo kan aamusan ayaa ka daran

Cane che appaia non morde

31

Beeni raad ma leh

La buggia ha le gambe corte

32

Miro gunto ku jira kuwa geed saran looma daadsho

Meglio l’uova di oggi che la gallina di domani

33

La jiifiyaana bannaan, la joojiyaana bannaan

Due pesi due misure

Monday, October 6, 2008

Education in Somalia

Education and formal classroom learning opportunities are limited and unavailable for a majority of children in Somalia. There have been substantial increases in the number of operational schools and in enrolment rates, but considerable disparities in the quality of and access to primary education are still problematic in parts of the country because of the socio-economic, cultural and political realities.
Most existing schools are concentrated in and around urban areas and are mainly financed by fees or other forms of support from parents and communities, with some input from external agencies.
Somalia has one of the lowest primary school enrolment rates in the world.
The Survey of Primary Schools in Somalia for 2003-2004 provides valuable insights (Note: These statistics are yet to be included in the official figures that go into the State of the World's Children Report). According to the survey report, there are 1,172 operating schools with a total enrolment of over 285,574 children representing an 19.9 per cent gross enrolment ratio (GER). Data from Lower Jubba Region, El Waq district of Gedo Region and Jilib district of Middle Jubba Region was not collected as these areas were inaccessible due to floods and insecurity. This places Somalia among the lowest enrolment rates in the world.
Gender-related disparities remain an area of major concern. The survey results revealed that only slightly over one third, or 37 per cent, of pupils are girls at the lower primary school levels. Since the 2003/4 survey, there has been very little progress toward reducing the gender disparity, which increases rapidly in higher grades. Results of previous school surveys reflect the same pattern. The low enrolment and high drop-out rates of girls in most areas are due to a combination of traditional attitudes, timing of classes and economic considerations. In 2005, UNICEF is embarking on a Back to School campaign in Somalia with a view to boosting overall enrolment with special focus on girls' eduction.
Female teachers are under-represented, making up only about 13 per cent of the total number of all teachers. The sector suffers from severe managerial, technical and financial resource limitations, and a lack of consistency in standards.
Report from Unicef

Friday, October 3, 2008

Afka Soomaaliga iyo jiilka soo koraya


Afku wuu dhashaa, wuu koraa, wuuna dhintaa sida naflaha oo kale. Afku wuxuu dhintaa haddii aanan lagu hadlin, ka hor inta uusan dhiman wuu xanuunsadaa oo sakaraadaa.
Haddii aan tusaale u soo qaadanno af soomaaligii ay ku hadli jireen awooweyaasheen intee hadda ka nool? Kii aabayaasheenna marka loo fiiriyo kuwa aan hadda u adeegsanno nolol maalmeedkeena farqiqa u dhexeeya ka waran? Haba ka sii darnaatee afka soomaaliga ee dhallinta maanta joogtaa ay badi ku hadlaan bal fiiri…
Haddaad jaleecdo maqaalada qaar ee lagu soo qoro mareegyada soomaalida erayada qaar waxa uu ula jeedo qoraagu ma garan kartid, iyada oo uu ulajeedo in uu ku qoray afsoomaali ayaa haddana aysan ahayn afsoomaali malaha afkalena aysan ahayn maxaa yeelay qoraagu wuxuu ula jeeday af soomaali in wax uu ku qoro. Taa miyeysan ahayn afkiiyoo jiraday kuna socda in uu dhinto.
Jiilka soo koraya waa aayaha dalkeena iyo dadkeena, waa kuwa ay ku xirantahay waxyaabo badan oo mustaqbalkeena ah oo uu ka mid yahay afkeena hooyo.
Cilmi-baarisyo badan oo la sameyey ayaa waxa ay sheegayaan ilmaha ku hadla afaf kala gedisan in ay qeyb weyn ka ciyaari karto aqoontooda, korriinkooda maskaxeed iyo weliba fursadooda mustaqbaleedba.
Cilmi-baaris ay sameysay Jaamacadda York “Ontaria” ee dalka Kanada ayaa waxaa lagu sheegay in ku hadalka ama aqoonta afaf kala gedisan ay hagaajineyso habka dhiig wareegga maskaxda, dadka ku hadla afaf badan maskaxdoodu horey uma gabowgo waxaana u fudud xusuusta iyo xifdinta ayey leedahay daraasadaas.
Caruurta soomaaliyeed ee qurbaha ku nool waxa ay haystaan fursad weyn oo ah in ay noqon karaan kuwa ku hadla laba luqadood “bilingual” maxaa yeelay, waxa ay ka soo jeedaan soomaaliya waxa ayna ku nool yihiin meel uusan af soomaaligu ahayn afka guud ee la adeegsado.
Waalidiinta intooda badan waa ay rabaan in caruurtooda ay ku hadlaan af soomaali, laakiin wahsi ama/iyo fududeysi awgood ayeyna culeysa u saarin arrintaas muhiimka ah.
Bal si ay waalidiin badan oo soomaaliyeed ugu fududaato ayaan waxaan halkan ku soo gudbinayaa talooyin ay bixisay Dr. Foufou Savitzky oo ka tirsan London Language and Literacy Unit, South Bank University waxa ayna yihiin.

- Mar walba kula hadal caruurtaada afkaada hooyo xitaa marka uu ilmuhu aad u yar yahay oo uusan fahmeynin ha ahaato markaad wax karineyso, ama aad wax qoreyso ama aad wax iibsaneyso iwm.
- Ku bar ilmahaaga ciyaaraha iyo heesaha afkaaga hooyo.
- Ugu sheeg sheekooyin afkaada hooyo kuna dhiiri geli in uu kula soo galo sheekada.
- Markaad kala hadleyso meeshuu ku soo ciyaaray, xannaanada ama dugsiga uu jiray kula hadal afkaada, haddii uu kuugu jawaabo af ingiriis, ku celi waxa uu yiri adigoo ku sheegay afkaada.
- Ha ka xishoon in aad ku adeegsato afkaada meelaha dadku isugu yimaado, haddii uu ruux kugu dhibsado maaha hawl adiga kuu taala ee waa mid ruuxaas u taala.
- Hubi in uu ilmuhu yaqaan magacyada afafka uu adeegsado.
- Hubi in uu kala saari karo.
- U kaxee ilmaha riwaayadaha, meelaha lagu ciyaaro, goobaha gabayada lagu akhriyo, filimada iwm oo ay ka maqli katraan dad ku hadlaya afkaada.
- Ku dadaal in ilmahaada ay la ciyaaraan ilma kale oo ku hadla afkaada.
- Raadi haddii uu jiro dugsi ay jaaliyaddu ku dhigto afkaada hooyo, ilmuhu waxa uu ka faa’iddayaa fasaladaas uu tegeyo.
- U soo raadi ilmahaaga buug ku qoran afkaaga, haddii aad weyso isku day in aad adiga mid u diyaariso adigoo kaashanaya dad kale.
- Ku dadaal sidii ilmahaagu ugu faani lahaa afkaaga.
- Haddii ilmuhu si aan sax ahayn ugu dhawaaqo ha ku qoslin.
Hadii aan u imaado faa’iidada ilmaha afkooda ku hadla ay ka heli karaan waxaa ka mid ah:
1. Isfahamka iyaga iyo waalidka ayaa kor u kacaya.
2. Waxay u fududeyneysaa in ay ehelkooda ballaaran la xiriiraan, haddii aysan af kooda aqoon caruurtu xiriirkaas wuu go’ayaa.
3. Waxay u fududeysaa bulsho dhexgalkooda.
4. Caruurtu waxay dareemayaan jiritaankooda iyo in ay yihiin dad af iyo dhaqan leh, bulshada ay la nool yihiina ay ku tixgeliso
5. Waxay siin kartaa fursad shaqo haddii looga baahdo.


Ugu dambeyntii haddii ilmaha labadooda waalid mid ka mid ah uusan ahayn soomaali waa wax la garan karo, laakiin ilmo labadii waalid ay wada yihiin soomaali haddana aan af soomaali ku hadli Karin, taa wax lagu fasiri karo ama mar-marsiiyo loogu raadin karo ma jiraan.
Waxaan ku soo gunaanadayaa in ay waalidiintu ku dadaalaan sidii ay caruurta u baran lahaayeen ama ugu hadli lahaayeen af soomaaliga.




Cabdiraxman Maxamed Abtidoon
Qoraa buugta caruurta.