Maahmaahdu waa qeyb ka mid ah ummadaha aduunka waxa ay hadallada ku xoojiyaan, waxaana jirta in maahmaahyada ay adeegsadaan ummadaha dunidu meelo badan isaga mid yihiin ama macno ahaan ay is leeyihiin. Waxaan halkan ku soo ururiyey maahmaahyo soomaaliyeed iyo kuwa talyaani ah oo aan is iri weysu macna dhow yihiin ee bal ila eega.
1 | Ninkii tiisa daryeelaa tu kalena ku dara | Chi fa per se’ fa per tre |
2 | Gacmo wada jirbey wax ku gooyaan | La unione fa la forza |
3 | Nin kuu digey kuma dilin | Uomo avvisato mezzo salvato |
4 | Raadiyaa wuu gaaraa | Chi cerca trova |
5 | Shimbirba shimbirkiisuu la duulaa | Dimmi con chi vai, ti diro’ chi sei |
6 | Ratiga dambe ratiga hore saanqaadkiisuu leeyahay | Chi va con zoppo impara a zombicare |
7 | Qunyar socod qodaxi ma muddo | Chi va piano va lontano |
8 | Nin daad qaaday xumba cuskay | Rampicarsi sul vetro |
9 | Doqonta usha akteeda ku dhufo hadday garan weysana dusheeda ku dhufo | Prima si perdona poi si bastona |
10 | Madaxmuuqda iyo middi saawira midna lagama quusto | La speranza e’ l’ultimo a morire |
11 | Ragna waa tashadaa Rabbina waa taliyaa | L’uomo propone Dio dispone |
12 | Nin soori kaa qaaday waa nin seefi kaa qaaday | Ne uccide piu’ la gola che la spada |
13 | Run iyo ilkaba waa la cadeeyaa | Patti chiaro amicizia lunga |
14 | Wixii waayeelka ku hadlaa caruurtu ku hadaaqdaa | Quando il piccolo parla, il grande ha sparlato |
15 | Far keligeed fool ma dhaqdo | Una mano lava l’altro e tutte due lavano il viso |
16 | Dhabar muuqda dhuumasho maaha | Nascondarsi dietro un ditto |
17 | Nin seexday sicii dibi dhal | Chi dorme non piglia pesce |
18 | Ilko maroodi iyagaa leysku jebiyaa | Chiode schiaccia chiode |
19 | Dabkii lagu gubto dambaskiisaa laga cararaa | Chi si scotta con l’acqua calda ha paura anche dall’acqua fredda |
20 | Qaade iyo qariye waa isku mid | E’ ladro chi ruba e chi li tiene il sacco |
21 | Nin hurdaa la kiciyaa ee nin soojeeda lama kiciyo | Il peggior sordo e’ chi non vuole sentire |
22 | Af daboolan waa dahab | Il silenzio e’ d’oro |
23 | Deg degi door ma dhasho | La fretta e’ cattiva consigliera |
24 | Mukulaal minankeeda joogta miciyo libaax ayey leedahay | A casa sua ogni uno e’ re |
25 | Fuley ulo badan | A chi ha paura non basta l’armatura |
26 | Waxaa jira nin aad maalin gaarin, nin aadan sannad gaarin iyo nin aadan weligaa gaarin… | A far la barba si sta bene un giorno, ad ammazzare un maiale si sta bene un mese a prendere una moglie un anno |
27 | Irbad aruuray masaarey | A goccia a goccia si fa il mare |
28 | Gees lo’aad kuleylkaa lagu gooyaa | Batti il ferro finche’ e’ caldo |
29 | Geed dhacaankiisuu dhalaa | Dal frutto si riconosce l’albero |
30 | Waraabaha ciyaaya iyo kan aamusan ayaa ka daran | Cane che appaia non morde |
31 | Beeni raad ma leh | La buggia ha le gambe corte |
32 | Miro gunto ku jira kuwa geed saran looma daadsho | Meglio l’uova di oggi che la gallina di domani |
33 | La jiifiyaana bannaan, la joojiyaana bannaan | Due pesi due misure |
No comments:
Post a Comment